Allbanaadir.com
NEWS

Khasaare weyn oo ka dhashay Weerarkii Iran ku qaaday Israel

Gantaalada Ballistic-ga ee Iran ayaa lagu soo warramayaa iney khasaare balaaran ka geysteen Israel

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil ganaatalada qaarkood ayaa ku dhacay xarunta Cilmi baarista Nukliyeerka Israa’iil ee Dimona oo ku taal saxaraha Negev ee koonfurta dhulka ay Israa’iil haysato, lama oga in xarunta ay wax saameyn ah gaarsiiyeen gantaaladan.

Gantaallada Iran ayaa sidoo kale ku dhacay meel aan ma fogeyn xarunta dhexe ee Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo ku taalla dulleedka waqooyi ee Tel Aviv.

Weerarka caawa waa mid aan horey loo qiyaasin inay Iran ku qaadayso Israa’iil, sababo la xiriira baaxadiisa iyo awoodda gantaallada ee Iran ay adeegsatay kuwaaso awooday inay ka gudbaan nidaamka difaaca Israa’iil.

Si dhab ah khasaarihii u horreyay ee aan horey u soo marin ayay caawa aragtay Israa’iil.

Sidoo kale. Qaybo ka mid ah gantaalada Ballistic-ga ee Iran ayaa ku soo dhacay magaalada Tel Sheva ee saxaraha Negev, halkaasoo uu ku yaallo saldhigga laga maamullo duulaanka Israa’iil ee Qasa.

Askar badan ayaa ku dhaawacantay markii gantaallada Iran ay ku dhaceen saldhigyada ciidamada Isra’iil, xarun nukliyeer, mid gaaska sifeysa iyo goobo kale oo muhiim ah ayaa la soo sheegaya iney ku habsadeen gantaalada Iran.

Saldhigga taangiyada Israa’iil ee ku yaalla gudaha magaalada Gaza ayaa sidoo kale gantaalo ay ku habsadeen.

Israa’iil ayaa soo saartay amar ka mamnuucaya dadka ku sugan gudaha Israa’iil inay sawirro iyo muuqaallo ka qaadaan goobaha ay waxyeelada gaarsiiyeen gantaallada Iran, tallaabo lagu qarinayo khasaaraha weerarkii ugu weynaa ee Iran ay caawa ku qaaday gudaha Israa’iil. Go’aankan waxaa baahiyay afhayeenka ciidanka Israa’iil.

Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la heysto ayaa u dabaaldeggaya gantaallada Iran ee ku dhacay xarumaha Israa’iil ee Daanta Galbeedm iyadoo xoogaga Xamaas ay soo dhoweeyeen weeraradan.

Weerarka Iran ay caawa ku qaaday Israa’iil, waxaa loo diiwaangeliyay weerarkii ugu weynaa ee loo adeegsaday gantaallada ballistic-ga ee taariikhda lagu qaado Israa’iil.

Wargeyska Israa’iil ka soo baxaya ee Yedioth Ahronoth ayaa sheegay inay ciidanka Israa’iil diyaarinayaan weerarkii ugu weynaa oo ay ka geystaan bariga dhexe. Lama sheegin bartilmaameedyada , balse warbixinta ayaa lagu sheegay weerar bariga dhexe wada gaari doonaa.

Dalalka Jordan iyo Ciraaq ayaa xiray hawadooda, taasoo waa dariiqa kaliya ee gantaallada Iran ay mari karaan marka ku socdaan Israa’iil.

Xiritaanka wuxuu la macno yahay in la soo ridayo wax kasta oo hawadaa soo galaya, sidoo kale diyaaradaha ganacsiga iyo rayidka ayaa laga joojiyay.

Waxaa weli iska soo daba dhacaya khasaaraha iyo waxyeelada ka dhalatay weerarka caawa Iran ku qaaday Israel oo bariga u bedeli kara goob weyn uu ka qarxo.

 

Related posts

Qarax waxyeelo u geystay shaqaale Turki ah oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka cusub xaalada Murugsan ee Bariga dhexe?

Caydiid Ali

Taliska ciidanka Asluubta oo War ka soo saaray Weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe

Caydiid Ali