Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya dil muwaadin Soomaaliyeed loogu geestay dalka Koonfur Afrika

Kooxo burcad hubeesan ayaa dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi oo kutaala deegaanka Khayalisha oo hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Sida aan wararka ku helnay burcadan ayaa weerar ku qaaday dukaan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo kuyaala Khayalisha, waxa ayna halkaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay C/llaahi Ganeey Gadafo.

Burcada dilka geesatay ayaa sidoo kale la sheegay in dukaanka ay weerareen dhac u geesteen, iyagoona markii dambe goobta isaga baxsaday kahor inta aysan soo gaarin ciidanka booliiska.

Dilalka dalka Koonfur Afrika loogu geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa sii kordhaya, mana jirto ilaa hada cid u istaagtay wax ka qabashada dilalka iyo dhaca lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u xoogsi tagtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

 Muqdisho oo laga buufinayo Feyruska halista badan ee Covid-19 (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo beri kulan ka yeelanaya Mooshin la xiriira doorashooyinka

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo go’aan ka soo saareysa Shirka Garoowe & Xaaf iyo Axmed Madoobe oo culeys wajahaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---