Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi la sheegay iney hordhac yihiin safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Howladeeno ka tirsan Madaxtooyada, koox qaabilsan hab maamuuska iyo Ilaalada gaarka ah Madaxweynaha ayey ka kooban yihiin wafdigan.

Berri oo Sabti ah ayaa la filayaa iney magaalada Dhuusamareeb ka degaan wafdiga Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo K/Galbeed oo ka qeyb galay aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Garowe kaga qeyb galay aaskii Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax ayaa la filayaa iney beri ku soo laabtaan Dhuusamareeb, iyadoo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor oo xalay Garowe ku hoydy ayaa isna saaka ku foo leh isla Dhuusamareeb sida ay wararku sheegayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -