Xasan Macalin oo la kulmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug(Sawirro)

Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo kasoo jeeda Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Kulankan ayaa ahaa mid Xildhibaan Xasan Macalin uga wareesanayay Xildhibaanada Galmudug shaqada ay hayaan iyo sidoo kale waxa laga yeelanayo deegaanada ay kasoo jeedaan oon wali xur aheyn gacantana ugu jira Al Shabaab.

Xildhibaanada Galmudug ayaana ka codsaday Xildhibaan Xasan Macalin in gacan ka geesto sidii loo dar dar galin lahaa xureynta Deegaanada ay kasoo jeedaan, waxa ayna sheegeen in qorshahaasi u baahan yahay awood ciidan iyo mid dhaqaale.

Xasan Macalin ayaana balan qaaday in uu gacan ka geesan doono waxii karaankiisa ah sidii loo xureyn lahaa Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri waxna loogu qaban lahaa dadka kunool degmooyinkaasi.

Xildhibaanadan katirsan Galmudug ee kulanka la qaatay Xildhibaan Xasan Macalin oo kamid ah Siyaasiyiinta Villa Soomaaliya mucaaradka ku ah ayaa horey looga ilaalin jiray in ay la kulmaan Xildhibaanada mucaaradka uu kamid yahay Xildhibaankan Xasan Macalin.

Xildhibaanada Beesha Murusade ugu jira Baarlamaanka federaalka iyo kan maamulka Galmudug ayaan awood u laheyn in ay tagaan deegaanada magacooda ay siyaasada ku matalaan maadama gabi ahana ay gacanta ugu jiraan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -