Beel Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku wareejisay Galmudug (Daawo Sawirada)

Wasaarada Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta gaadiid dagaal, hub kala duwab iyo maleeshiyaad kala wareegtay Beesha reer Xaaji Saleebaan ee degta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Munaasabada maamulka Galmudug lagula wareejinayay hubkan iyo maleeshiyaadka waxaa ku sugnaa Wasiirka amniga gudaha Axmed Macalin Fiqi , Masuuliyiin, Saraakiil iyo waxgarad katirsan beesha Saleebaan.

Wasiirka amniga gudaha Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay munaasabada ayaa u mahad celiyay beesha maanta hubka iyo maleeshiyaadka ku wareejisay, waxa uuna sheegay maleeshiyaadkan xero lagu xareyn doono si ay u qaataan tababar.

Axmed Fiqi ayaa xusay in maleeshiyaadkan maanta lagu wareejiyay kamid noqon doonaan ciidanka Daraawiishta maamulka Galmudug, waxa uuna xusay in ay hada socdaan qorshayaal lagu qarameenayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanada Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa horey ula wareegay hub iyo maleeshiyaad ku sugnaa qaar kamid ah degmooinka iyo deegaanada Galmudug, waxa uuna maamulka xooga saarayaa dib u dhiska ciidamada maamulka Galmudug si maamulku u noqdo mid awood leh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -