Al Shabaab oo goordhaw shaacisay in ay dileen Xildhibaan ay saakay afduubteen

War goordhaw kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle oo ay saakay ka afduubteen duleedka degmada Balcad.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahno katirsan kooxdooda saakay gaari uu la socday kala degeen Xildhibaan Maxamed Maxamuud siyaad oo kasoo baxay magaalada Jowhar kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan Al Shabaab dileen ayaa saakay lagala degay gaari uu kasoo raacay magaalada Jowhar xili uu marayay duleedka degmada Balcad, waxaana xildhibaankan la dilay uu kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa marar badan inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad weerar ay ka fuliyeen ugu dileen Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsanaa maamulka Hirshabelle ee xaruntiisu tahay magaalada Jowhar.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -