Congreska Mareykanka oo diiday qaraar ku saabsan Ciidamada ka jooga Somalia

Aqalka Congresska dalka Maraykanka ayaa ka hor yimid qaraar lagu dalbanayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya lagasoo saaro sanad gudihiis.

321 ka mid ah xubnaha Congresska ayaa ka soo horjeestay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. halka ay taageereen 101 Xildhibaan

Xildhibaanka golaha horkeenay qaraarkan Matt Gaetz ayay ujeedadiisu ahayd in laga saaro Soomaaliya, ilaa 900 oo askari oo Maraykan ah, balse xildhibaannada ka soo horjeeda qaraarkan ayaa waxay ku doodayaan in go’aankan uu wax u dhimayo amniga Qaranka Maraykanka, uuna sababi karo in argagaxisada ay ku xoogeysato geeska Afrika.

Labada aqal ee baarlamanka Mareykanka ayaa bishii hore sidoo kale diiday qaraar ku saabsanaa in la soo saaro ku dhawaad 900 oo askari oo ku haray Siiriya..

Madaxweyne Biden ayaa oggolaaday in 500 oo askari oo Maraykan ah dib loogu celiyo Soomaaliya sannadkii hore ka dib markii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump uu Soomaaliya  ka saaray ciidankaas.

- Advertisement -