Madaxweyne caan ah oo si xirfedeysan looga xaday boorso ay ka buuxday lacag

Waxaa Maxkamad la soo taagay saddex qof oo lagu eedeeyey inay xadeen boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Robert Mugabe.

Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gawaari, guryo, iyo xoolo nool.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas, mid ka mid ah qaraabada madaxweynihii hore oo lagu magacaabo Constantia Mugabe ayaa ka mid ah eedaysaneyaasha.

Waxaa la sheegay inay haysay furayaasha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Harare, ayadoo tuugada kalena u fududaysay inay gurigaas galaan.

Dadka kale ee la tuhunsan yahay ayaa gurigaas looga shaqaalaysiiyay inay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacaysay, taasoo la sheegay inay dhacday intii u dhaxaysay 1-dii bishii December ilaa horraantii January.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -