Isku shaandheyn lagu sameeyey Taliyeyaasha qeybaha Booliska Muqdisho qaarkood (Akhriso)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/sare Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Booliska Muqdisho, iyadoo kuwo kale laga qaaday xilalka, loona magaacbay xilal kale.

G/sare Cabdi Xasan Xijaar ayaa taliyeyaasha uu Magacaabay waxay kala yihiin:-

Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkeynley Waxaa loo magacaabay Yaasiin Nuur Kheyre Ganey

Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde waxaa loo magacaabay G/lle Mahad Cabdixakiin Cumar (Mahad Korow)

La-taliyaha sare ee Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo horay u ahaa taliyaha Saldhigga Waliyow Cadde

Taliyaha Birmadka ciidanka Booliska waxaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed.

Taliyaha Daraawiishta Booliiska ayaa isna laga dhigay Gaashaanle Sare Cabdulaahi Mire Siyaad

Taliyaha qaybta Galbeed ee Booliska ayaa loo Magacaabay Maxamuud Xuseen.

Waxaa sidoo kale loo Magacaabay Taliyaha laanta socotada ciidanka Booliiska Cabdirashiid Aadan Xirsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -