(Sawirro) Munaasabad lagu maamuusayey 26-ka Juun oo xalay lagu qabtay Dhuusamareeb

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey sanadguuradii 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoriyadda qaateen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya taasoo ka dhacday xalay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Cali Daahir Ciid oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

inta badan gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabado lagu maamuusayey maalinta 26-ka Juun oo ku beegan markii ugu horeysay ee calan laga taago dhul Soomaaliyeed, isla markaana ay gobolada woqooyi ka xoreebeen isticmaalka Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -