Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Go’aan ka gaaray xeerka Matalaada gobolka Banaadir

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw meel mariyay xeerka Matalaada Aqalka sare ee Gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen Xildhibaanada golaha shacabka.

Meel marinta xeerkan waxaa u codeeyay 142-Xildhibaan halka ay diideen afar Xildhibaan oo kale, waxaana sidaasi ku meel maray Xeerkan oo dhigayay in gobolka Banaadir Aqalka sare ku yeesho 13-kursi.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdirxamaan ayaa shaaciyay in xeerkan uu meel maray ayna Xildhibaanada cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen.

Tirada xildhibaanada aqalka sare oo markii hore aheyd 54-senator ayaa sanadka soo socda noqon doona 67-Senator, waxaana kusoo biiraya aqalka sare Senataro matali doona gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo fashiliyay qarax miino oo la diyaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyihii Guutada Golani ee ciidanka Israel oo lagu dilay Lubnaan

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo safar dhulka ah ku maray degaano laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---