Dowladda Jarmalka oo Somalia ka taageeraya saddex arrimood oo muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Ciise Cawad, iyo Danjiraha Jarmalka, Annett Günther oo qadka taleefonka kuwada hadlay ayaa  ballan-qaaday inay ka wada-shaqeyn doonaan xalinta xaalado adag oo ka jira qeybo ka mid ah Somalia.

“Waxaan khadka taleefanka kula xiriiray safiirka Jarmalka, Annett Günther. Waxaan ka wada hadalnay heerka halista Covid-19, daadadka, iyo duulaanka Ayaxa Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay iskaashiga gobolka, iyo sii xoojinta xiriirka labada dhinac” ayuu yiri Danjire Axmed Cawad oo hadalkan ku qoray bartiisa Twitterka.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jarmalka ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore waxay ballanqaadeen inay sii laba jibaari doonaan iskaashigooda laba geesood ah oo ku kacaya 67 milyan oo EURO.

Iskaashiga laba geesoodka ee Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa waxaa ka mid ah horumar dhaqaale oo waara iyo beeraha, horumarinta reer miyiga iyo mashaariic kale oo waxtar leh.

Jarmalka ayaa ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee taageerada joogtada ah siiya dowlada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amaanka, caafimaadka iyo kaalmooyinka dhinaca bani’aadam-nimada la xiriira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -