Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo 19 qodob ku guuleysatay muddo bil ah (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo bandhigtay waxqabad la taaban karo oo ay ku talaabsatay mudadii bisha aheyd ee ka soo wareegtay markii xilalka loo magacaabay Masuuliyiinta cusub ee Wasaaradaas.

Inkastoo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac uusan dalka weli soo gaarin, kuna sugan yahay Maraykanka ayaa haddana waxaa howsha Wasaarada si habsami leh u waday Wasiiru dowlaha Axmed Mire Cali iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Mahad Caabi Ciise oo soo bandhigay Warbixin ka hadleysa waxqabadka Wasaarada ee mudadii bisha aheyd ee la soo dhaafay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka & daryeelka bulshada ee Galmudug Mahad Caabi Ciise ayaa sheegay in dedaal badan ka dib ay ku guuleysteen iney xaqiijiyaan guulo badan oo hordhac ah.

“Guulaha Wasaaradu xaqiijisay waxaa ka mid ah, Dejinta qorshe howleedka Wasaaradda Sanadka 2020 oo meel fiican maraya, Hirgalinta xafiiska Wasaaradda oo subax walba loo soo shaqo tago, Asbuuciina mar lagu qabto kulanka shaqaalaha, hirgelinta xarumaha karantiilka cudurka COVID-19 ee magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Caabudwaaq iyo dardar gelinta xarunta karantiilka Dhuusamareeb oo horey u furneyd” ayuu yiri Dr. Mahad Caabi Ciise oo intaas ku daray in sidoo kale ay ku guuleysteen iney gaarsiiyaan xarumahaas deeqo iyo qalab caafimaad ee ka yimid DF iyo qurba joogta Galmudug qaarkood.

Wasiirka ayaa xusay in sidoo kale Wasaaradu qabatay shir ay iskugu yimaadeen Hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka, Nafaqeynta, Nadaafada iyo fayo-dhowrka oo uu Guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid kaasoo ay ka soo baxeen go’aano wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xarumaha Caafimaadka ee degaanada Galmudug.

“Maareynta deeqaha Caafimaad ee nooga yimid Dowladda federaalka, hay’adaha caalamiga ah iyo qurbajoogta ayaa ka mid ah waxyaabaha noo qabsoomay mudadii bisha aheyd ee aanu xilka heynay, sidoo kale waxaan ku guuleysanay  Dhagax dhigga iyo Balaarinta xarunta hooyada iyo dhalaanka ee degaanka Qorqoora oo hoos tagta degmada Gaalkacyo, waxaan Daawo iyo agab Caafimaad gaarsiinay isbitaalka Hanano ee caasimada Dhuusamreeb, Kulamo is xog-wareysi ah ayaan sidoo kale la qaadanay ururka Dhaqaatiirta Galmudug si looga faa’iideysto aqoonta iyo khibrada dhaqaatiirta, waxyaabaha noo suuragalay waxaa kale oo ka mid ah dhismaha Isbitaalada degmooyinka Af-barwaaqo & Galbarwaaqo oo uu Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor) dhagax dhigay” ayuu intaas ku daray Wasiir ku-xigeenka.

Dr. Mahad Caabi Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidoo kale Wasaaraddu la wareegtay Isbitaalka Ceelguula oo ay bulshadu dhisteen, si looga dhigo mid shaqeeya oo ay bulshadu ka faa’iideysato.

“Agab Caafimaad iyo daawooyin ayaan gaarsiinay degmooyinka Balanbale, Guriceel iyo Hobyo, iyadoo la asteeyey xarumaha karantiilka ee saddexdaas degmo, waxaana dawooyin, dhaqaatiir, iyo agab kale oo Caafimaad ku wareejinay xerada tababarka Ciidanka Harqaboobe ee degmada Guriceel, iyadoo ay xusid mudan tahay inaan agab iyo daawooyin ay soo direen ganacasatada iyo qurba joogta deegaanka gaarsiinay isbitaalka Gelinsoor” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Dr. Mahad Caabi Ciise ayaa xusay in waxqabadkaas uu ku yimid dedaalka, isku duubnida iyo wada-shaqeynta masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlad goboleedka Galmudug, wuxuuna xusay in Wasaarada ay higasaneyso mustaqbalka dhow qorsheyaal iyo mashaariic lagu horumarinayo xarumaha Caafimaadka iyo isbitaalada ku yaalla degaanada Galmudug, isagoo Mahad balaaran u celiyey DF, madaxda sare ee Galmudug iyo heyadihii gacanta ka siiyey shaqada ay qabteen oo uu xusay in la’aantood aysan suuragasheen, wuxuuna shacabka Galmudug u balan-qaaday iney bilaha soo socda arki doonaan waxqabad intan ka balaaran.

HOOS KA DAAWO WAR-SAXAAFADEED AY SOO SAARTAY WASAARADA IYO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -