Ciidamo cusub oo lasoo dhigay Isgoosyada Muqdisho iyo Ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana isgoosyada iyo baraha koontarool ee dhax yaalla magaalada Muqdisho lasoo dhigay ciidamo cusub oo sugaya ammaanka magaalada.

Ciidamada cusub ee lagu wareejiyay koontaroolada magaalada Muqdisho ayaa ah ciidamo katirsan hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaran, waxaana ciidankan loogu tala galay in ay xaqiijiyaan amniga.

Koontaroolada magaalada Muqdisho oo markii hore joogeen ciidamo katirsan booliiska ayaa hada lagu arkayaa ciidamada nabad sugida, kuwaa oo baaritaano dheeraad ah ku sameenaya gaadiidka waddooyinkaasi isticmaalaya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan ahaa mid soo hagaagayay , waxaana hadda dowladda qorsheesay in si weyn loo adkeeyo ammaanka caasimada xilli howlgalo ka socdaan gobolada dalka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -