Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan Wadahadalada DF iyo Somaliland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa ka hadlay aragtida maamulkiisa ee shirka dowlada federaalka iyo maamulka Somaliland uga furmay Jabuuti.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in Puntland shirkaasi wax shqo ah ku laheyn, waxa uuna cadeeyay in maamulkiisa uusan aqbali doonin natiio kasta oo kasoo baxda shirkaasi ka furmay dalka Jabuuti.

“Waxaan cadaynaynaa inaan marna ogolaan doonin natiija ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galo Somaliland oo aysan Puntland qayb ka ahayn. Puntland waxaa Somaliland kala dhexeeyo khilaaf dhuleed taas oo u baahan inaan xal ka gaarno” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Maamulka Puntland ayaa marar badan codsaday in ay qeyb ka noqoto wadahadalada Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, hasa ahaatee dowlada federaalka ayaa dhagaha ka fureesatay dalabka Puntland.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Qoor-qoor oo shacabka Gaalkacyo kala qeyb qaatay Ciida Carafo

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo wareejiyay diiwaanka galalka habraacyadii…

Cabdi Cade

Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka bilaabo Badda Soomaaliya marta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---