Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo kormeeray dhismaha waddo Laami cusub la saaray (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Gudoomiye ku xigeenka Howlaha guud ayaa xalay kormeeray dhismaha wadada isku xirta isgoyska Boondheere iyo Siinaay.

Cumar Filish ayaa u kuurgalay sida uu u socday howlaha dhismaha wadadan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Xiliga uu Guddomiye Cumar Filish sameynayey kormeerka ayaa waxaa wadada ka socday shaqo culus oo laami lagu saarayey taasoo ay wadeen shaqaalaha loo xilsaaray dhismaha wadadan oo adeegsanaya gaadiid kala duwan iyo qalab loogu talo galay dhismaha jidadka.

Wadadan ayaa ka mid aheyd kuwa ugu burburka badan magaalada Muqdisho mudada ay dalka ka jireen dagaalada sokeeye, waxaana haatan dib u soo laabatay bilicdii wadadaas taasoo ay soo dhoweeyeen shacabka degmada Boondheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog: Axmed Madoobe iyo dowlada Kenya oo galay heshiis qarsoodi ah

Caydiid Ali

(Sawirro) Dowlado u gurmaday dab xoogan oo ka socda kaymaha gobolka Gironde

Caydiid Ali

Maxkamadda gobolka Banaadir oo Dambi ku weysay Koof, Cabdul iyo Muxudiin Jurus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---