(Sawirro) Dowlado u gurmaday dab xoogan oo ka socda kaymaha gobolka Gironde

Ugu yaraan dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa ku biiraya dadaalka lagu xakamaynayo dab aad u wayn oo ka kacay kaymaha gobolka Gironde ee ku yaalla koonfurta-galbeed ee Faransiiska.

Dowladaha Talyaaniga, Giriigga iyo Sweden ayaa diyaaradaha biyaha tuura u diray halkaas.

Dhulka holcaya waxa uu qiyaastii 30km oo kaliya dhinaca koonfurta-bari ka jiraa magaalada Bordeaux. Ilaa 10,000 oo qof ayaa guryahooda uga cararay ilaa hadda.

In ka badan 1,000 shaqaalaha dab demiska ah ayaa la dagaallamayay dabka oo lagu tilmaamay bahal si ba’an u saameeyay koonfurta-galbeed ee Faransiiska.

Dabka ayaa burburiyay wax walba oo uu kula kulmay dhul baaxaddiisu la egtahay 7,400 hiktar oo keymo ah, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

- Advertisement -