Muuse Biixi oo dalab niyad jab abuuray hor dhigay shirka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabada  furitaanka shirka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacday dalka Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa beesha caalamka ka codsaday iney aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland, isagoo xusay in shacabka Somaliland ay muddo dheer u soo dhabar adaygeen iney arkaan iney noqdaan umadd la mid ah umaddaha caalamka oo leh dowlad madax banaan.

“Waxaan beesha caalamka iyo Afrikaba ka codsaneynaa inay garawsadaan horumarka iyo dimoquraadiyada ka hana qaaday Somaliland.” ayuu yiri Muuse Biixi oo si cad u sheegay ineysan marnaba la midoobi doonin Somalia.

Hannaan dawladdnimo, daahfuran iyo nabad iyo xasilooni ayuu sheegay iney ku naaloonayaan shacabka Somaliland wixii ka dambeeyey markii ay  la soo noqdeen wax uu ugu yeeray gobanimadii hallowday lixdankii ee ay Somalia kula midoobeen, isagoo xusay in Somaliland ay sugeysay iney madal sidan oo kale ah hor dhigto dalabkeeda, ayna xaq u leeyihiin in dowladnimo loo aqoonsado.

Hadalka Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu mugdi gelinayo rajadii laga qabay natiijooyin wax ku ool ah oo ka soo baxata ka shirka Jabuuti oo markii horeba aad u yareyd.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka Yamamoto ayaa sheegaya inay ka xumaadeen in Madaxweynaha Somaliland aanu diyaar u aheyn tanaasul iyo wadahadal.

Shirka ayaa maalintii ugu horeysay ku dhammaaday khudbadaha furitaanka ee madaxda lagu casuumay iyo wakiilada beesha caalamka, waxaana wixii beri ka dambeeya la guda galayaa ajendayaasha shirka oo illaa hadda aan la ogeyn mudada uu socon doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -