Dowlada Somalia oo shaacisay in beri ay tahay Maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Wasiiru dowlaha Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Macalin Yaxye ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in degaano ka tirsan Puntland iyo Hirshabeele lagu arkay bilashada bisha Ramadaan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamuladaas.

“Beri oo bisha Abriil tahay 13 waa maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan sanadkan 1442 Hijriya” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Macalin Yaxye.

Dalal badan ayaa sidan oo kale shaaciyay in beri ay tahay maalin Ramadaan, waxaana dalalkaas kamid ah Sacuudiga iyo inta badan dalalka Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -