Dowlada Mareykanka oo dalab xasaasi ah u dirtay Madaxweyne Farmaajo

Dowlada Mareykanka ayaa baaq culus u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo laga dalbaday inuu shir isugu yeero Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Qoraal soo saartay ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu shir isugu yeerto dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay si degdeg ah loogu baahan yahay wadashaqeyn iyo iskaashi dhexmara dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isi xal loogu helo kala khilaafaadka siyaasadeed ee jira, Dhaqan gelinta Deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19.

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaan weli ka wada-hadlin arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan daba-yaaqada sanadkan iyo horraanta sanadka xiga.

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta waxa uu madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay inay 25-ka bishan isugu yimaadaan shir lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -