Gabar uu ka dhintay George Floyd oo loogu deeqay lacag aan caadi aheyn (Sawirro)

Gianna Floyd oo ah gabar lix sano jir ah oo uu dhalay George Floyd oo ah ninkii dhowaan Booliska magaalada Minnepolis ku dileen jilib-ceejinta, ayaa taageero dhaqaale oo aysan fileyn ka heshay bulsho weynta caalamka.

Kadib markii internetka laga furay sanduuq lacag loogu uruuriyo Giana, waxaa maalmo gudahood lagu uruuriyay lacag ka badan labo milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa la sheegay in loo uruurinayo Giana oo 6 sano jir ah, si loogu dabaro nolol maalmeedkeeda, waxbarashadeeda iyo wixii kale oo ay u baahato inta ay ka qaangaareyso, maadaama si arxan daro ah loo dilay aabaheed oo ahaa qofkii masuuliyad ahaan biilkeeda bixin jiray.

Waxaa la sheegay in Giana ay hadda la nooshahay hooyadeed Roxie Washington.

Giana ayaa sheegtay inay jeclaan laheyd in marka ay weynaato ay aabaheed u sheegto waxa ay noqon laheyd mustaqbalka oo ah dhakhtar dadka caawiya.

Hooyada dhashay Giana ayaa sheegtay in ilaa hada aysan garan karin qaabka ay gabadheeda ugu sheegi laheyd geerida aabaheed.

Dibed-baxyo looga soo horjeedo dilka aabaheed ayaa ka dhacay dalka Maraykanka iyo dalal kale oo ka tirsan Yurub, kuwaasoo qaarkood ay wateen rabshado lagu burburiyey, laguna boobay hanti badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -