Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Roberto Kibochi oo booqasho aan la shaacin ku yimid gudaha Soomaaliya (Sawirro)

Taliyaha Cusub ee Ciidamada milatariga dalka Kenya Janeraal Roberto Kibochi ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay xeryo ciidamada Kenya kaga sugan yihiin deegaano kuyaala gobolka Jubada Hoose.

Janeraal Roberto Kibochi ,oo dhawaan loo magacaabay taliyaha guud ee ciidanka milatariga Kenya ayaa booqashadii ugu horeesay ku tagay xeryo ay ciidamada Kenya kaga sugan yihiin deegaanada Taabta, Bilis qooqaani, Hoosingow iyo degmada Afmadow.

Taliyaha ayaa u kuur galayay xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka milatariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxa uu sidoo kale saraakiisha hogaamisa Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbaland kala hadlayay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

War kasoo baxay taliska milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in booqashada taliye Kibochi ay aheyd mid lagu dhiira galinayo ciidamada difaacada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland.

Taliyaha  cusub ee loo magacaabay milatariga Kenya ayaa horey madax uga soo noqday ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxaana la sheegay in uu wax badan kala socdo xaalada ciidanka Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Adan Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray dalka..

Caydiid Ali

Ciidanka Gorgor oo howlgal sifeyn ah ka wada degmada Ruun-nirgood iyo duleedkeeda(Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo faahfaahisay safarka Xamse ee Laascaanod

Caydiid Ali
Taboola Ads ---