Sababaha aysan sax u aheyn in beel gaar ah sheegato in ay leedahay Caasimada dalka !!

Jahligu wuxuu dadkeena baday iney ku guuldarraystaan fahamka (concept) base-ka ama asal-faraca u ah in dadkeenu noqdaan kuwo min gobol illaa tuulo, min qabiil illaa jilib iyo qoys, si weyn u kala daadsan, kala aamin baxay, oo keentay in dowlad walba oo afartii sanaba mar la soo doorto hanan weyso kalsoonida dadkeeda, dhaxalsiisa iney muddo xileedkeeda  ku dhammaysato fashil iyo iyadoo majority ga dadkeedu boqnaha kaga maran yihiin, TOOKO BER TOOKO  maanta daarood berrina hawiye ay u kaltamaan sidi kaltamki farmashiyayaashi caawa soo jeedka lahaa beri samaadki!!

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee faham-darradu (misconception)ka keenay ee aadka loo maara la’yahay in laga gudbo, isla markaasna hortaagan in la isku soo dhowaado, waa arrinka caasimadda waddankeena somalia ee muqdisho oo sida aad ka war haysaanba beryahaan ka hadalkeedu aad dhegihiina ugu batay.

Balse intaanan caasimadda waddanka iyo muhiimadda fahamkeeda guda-gelin, bal marka hore aan isla fahamno horta waddan xow yahay?

Ficil ahaan, waddan madax-bannaan waa  midka leh:
-dhul gaar ah oo leh xuduudo si cad loo qeexay;
dad caddadkooda la ogyahay.
-dawlad iyo hay’adaha kale ee sharciga. Dowladdaasmoo si buuxda gacanta ugu haysa dhulkeeda, xukunta kana ilaalin karta xoogagga ama cadawga dibedda, awooda fulinta sharciga iyo canshuur ururinta);
-dowlad leh Awoodda  dhawrista xiriirka dibedda (ficil ahaan, xiriirka diblomaasiyadeed ee rasmiga ah, tusaale haddii aysan jirin xiriir diblomaasiyeed wanaagsan oo kaala dhexeeya waddamada siyaasad ahaan duntu isugu kiin xiran tahay, waa mid fudud in somaliland oo ah jamhuuriyad iskeed isu magacawday ay hesho aqoonsi laga yaabo inuu international noqdo kana go’do waddanka intisa kale, waxaa kaloo suura gal ah in taasi ay noqoto furaha billowga qaybo kale oo dalka ah oo kaga dayda arrrinkaa,

Ok.  Arimahaa aan korka ku soo sheegnay marka laga reebo lahaanshaha dowlad awood leh, waddankeenu wuu leeyahay inta kale, and nasiib wanaag illaa iyo haddeer ma uusan lumin aqoonsigiisi waddaninimo, oo waxaad doontaba isaga macneyso sida ay ku dhacdaye waxaa adduunku noogu yeeraa dalka iyo dadka soomaaliya

Intaa aan kor ku soo sheegnay waa shuruudaha waddan kastaa laga rabo inuu buuxiyo balse Waxaa jira kuwo kale oo muhiim ah loona baahan yahay oo lama huraan u ah inuu waddan madax bannaani sida somalia si gaar ah u lahaado si uu uga  duwanaado waddamada kale ee caalamka

Waana middaas tan aan ugu qaatay qalinka inaan maqaalkan iskula fahamno, fadlan isku day inaad aqrisid si fiicanna u dhuuxdid waxyaabaha waddan kastaa qasab tahay inuu lahaado welibana ilaaliyo

1. calanka qaranka,
2. heesta calanka,
3. Astaanta qaranka iyo tan ciidamada
4. magaalo u noqota caasimad
5. Baasaboorka muwaadinka
6. luuqad ama luqado rasmi ah (wuuse lahaan karaa luqado ama lahjado kale balse rasmi ma aha walow nasiib wanaag dadkeenu majority giisa ku hadlaan hal af (soomaali)
7. lacag rasmi ah oo u gaar ah (sh so)
8. ISO ama xarfo laba ama saddax ah oo aalaa la soo gaabiyay laguna aqoonsado waddanka sida (so, ama som)
9. Furaha nambarka wicitaanka ee caalamiga ah, (252)
10. Domain ka internetka ([http://]www.cabdi, SO)

Sifooyinkaasi waxay sharraxaayaan isirrada lagu aqoonsan karo dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Waxaa halkaa ka cad in 10kaa astaamood yihiin kuwo u gaar ah waddankeenna  balse ka dhexeeya  dhammaan muwaadiniinteenna oo aysan cid gaar ah sheegan karin lahaanshahooda.

Tusaale bal ka warran haddii calanka buluuga ah ee xidigta cadi dhexda kaga taal ay sheegtaan iney leeyihiin reerka majeerteen ee uu ka soo jeedo waddanigii asteeyey oo design gareeyey!!!

Ka warran haddii heesta calanka ee SOOMAALIYEY TOOSOO beesha isaaq isku koobto?
Haye lacagta shilinka soomaaliga ah reer koonfur galbeed claim gareyso!!
Waa hubaal inaad ka-madax-ruxdeen oo aad ka gilgilateen, garateenna in qarannimadu ku lumayso haddii midkood qolo gaar ah xalaalaysato!!

Then why CAASIMADDA QARANKA  oo ka mid ah 10 ka shay ee ABADAN cid aysan self-entitlement  si gaar ah u sheegan karin wax kaleba ha sheegatee?

-WAA JAHLI GAAMMUREY, oo maxaan ku iri? Caasimad si fudud waxaa loogu qeexi karaa Waa ‘ madaxi magaalooyinka’ oo ka duwaaya kana sarreysiinaaya magaalooyinka kale xitaa haddii ay ka baaxad, dad iyo dhaqaale yartahay, erayga THE CAPITAL ama CAASIMAD QARAN waa eray muujinaaya mansab iyo maqaam gaar ah, ah oo micnihiisu lumaayo haddii qayb gaar ah oo dadka ah is lahaysiiyaan.

-WAA LEX-JECLEYSI

-WAA MIWAADINNIMO XUMMO
-WAA MID KA MID AH CALAAMADAHA NIFAAQA

( qiyaameyn iyo ballan uga bixid   Bulsho soomaali ah oo muslim ah aad uga baxdey ballan iyo aaminid ay kugu aamineen hantidoodi  iyo dhasalkii awoowgood)

Bal caqliga ka shaqaysii, haddey been tahay intaan aan sheegay, maxay MUQDISHO u noqotay magaaladan cammiran, quruxda badan ee adduunka keligeed ka yaqaano magaalooyinka geyigeenna? Maxay hargaysa, kismaayo, jowhar, hobyo iyo magaalooyinka kale sideeda oo kale u noqon waayeen?

Waa jawaab fudud, Maadaama ay tahay xarunta fadhiga u ah dowladda dhexe ee waddankeenna sida madaxweynaha iyo golaha wasiirada, talisyada ciidamada, maxkamaddi sare, hay’adihi sharci dejinta oo aad u taqaannaan xildhibaanada, safaaradihi iyo mu’assasooyinka muhimka u ah habsami u socodka  howlaha baaxadda leh ee laga sugaayo in dowladdu ku maarayso dalka iyo dadka howshaa u igmaday ayaa suurageliyey iney hesho maqaamkaas, kuna soo hirtaan ama soo jiidatay ama qasabtayba dheh in shacabka soomaaliyeed meel kasta ama reer kastaba ha u dhashee  uu xoolahiisa iyo mustaqalkiisaba  ku aamino MOGADISHO.

Ma xasuusto abwaankii curiyey balse heestii ay wada qaadeen fannaankii maxamed nuur xasan giriig iyo sahro axmed sow ereyadeeda ka mid ma ahayn

Orod Iyo Ayaan Baa.   Aadmiga Is Dhaafshee
Haddaad Tahay Aqoon Mid Leh Anna Ku Anbin Maayee
Mana Iisho. Mana Oodmo Allah Nimuu Kal Kaashaa
Ha Irdhoobin Adiguna Lama Amar Darraadee
Anigana Awoodliyo Hayga Dhigin Aqoon-Gaab
Inan Yahay Ilwaad Qurux Iyo Dumar Ammaantiis
Waxaa Tahay Ilaaahay Idil Miduu Ku Kooboo
Iin Ma Lihid eed Ma Lihid Sidan Aan Arkaayee
DADNA RUUX KU AAMINAY IYO WACAD ILAAHEEY
MIDNA LAMA ILLAAWEE HA HALLAYNIN AAYAHA

Suugaantaa qiimaha badan waxaa nasiib darro ah in dadkeenu ay u isticmaalaan shukaansi oo kaliye oo intey oohin beena ku laraan  u adeegsadaan iney gabdhaha masaakiinta ah ee soomaalieed ku qayaaman!!  BEEN IYO IS OOHIS BAA LAGU XERO GELIYAA RUNTA IYO DHEGO KA GARAACNA WAA LAGU DHAQAA dad ey xikmadooda iyo dardaarankoodu yihiin ayaan nahay

Sida ereyada macaan ee nuxurkiyo murtida qotada dheer loogu aslay, WACADKA ILAAHEY IYO RUUX KU AAMINAY LABADABA  LAMA KHIYAAMO

Ka warran hadii waxa la qiyaamay qof iyo laba aysan ahayne arrinku yahay qabiiillo iyo dad dhan oo soomaaliyeed   Oo intaas waxba uga dambayn!? Maxaa cawaaqib xummo ah oo ka dhalan kara ?

Si fudud waxaa dhacaaya wixi dhacay waagi 1991 aynu walaalaheen soomaaliyeed ee aan ku soo beer laxawsannay iney muqdisho tahay magaalo naga dhaxaysa, walaalihii nala maalmgeliyey, walaalihii na aaminay, walaalihii madaxooda ku soo qaaday wixii ay heysteen oo duunyo iyo dad ahaa lana soo lugeeyey masaafada dheer, ee xabbado iyo madaafiic iyagoon filaynin kala dul dhacney, ee aan wax aan dilno wax aan dhaawacno, iyo ka soo eryasho aan guryahoodi iyo hantidoodi ka soo eryanno  ee iyagoo ubadkoodii sida BISADAHA afka  ku wata si arxan darra ah xuduudaha uga tallaabinnay,
Oo kadib maxaa dhacay? Laga yaabee inaad badankiinu illowdeen ama si ula kac ah isu illowsiinaysaan balse aan xusuustiina boorka ka jafo. 1000, 000 dhimasho dhexdeena ah, dhaawacoo tira beelay, qax iyo barakac gudaha iyo dibadda ah, burbur iyo halaag loo gaystay CAASIMADDII QARANKA iyo magaalooyinka kaleba ah,  hab qabiil u kala qaybsasho hantidii qaranku lahaa sida ayraboorkii oo beeshii boqolkii badanaysay baasuuke ku hantiyaan, dekedehii oo reer hebel  qalabkii ka furufrtaan, oo dhoofsadaan qiimo raqiis ahna quwado shisheeye kaga qaataan, qasaaro iyo hoog, qadka cagaaraan south iyo north dagaal ooge iyo warlord, qaran jab, qaatilo is bahaystay iyo shahaado la dirir, iyo yaanan war idinku daaline maxkamado qabiil, iyo ugu danbaynati UUR-DOOXATADA ALSHABAAAAB oo aan hubo inaadan u baahnayn inaan idinkaga sheekeeyo OR DO YOU REALLY GUYS?

War hooy taariikhda iyo waxii la soo maray ha iska indha tirinna idinkoo sidaa u yeelaaya waaxid mufrad ama individual ah oo magac qabiil kula sheegta oo xaaskiisa io caruurtiisu England, Canada iyo waddamo nabad iyo nolli jirto wax ugu baranayaan, oo markuu dantiisa kugu gaarana kuu soomaalieyn doona iska daa inuu galaas biyaa ku shubee

Waddanka adaa leh, ilmahaagaa leh, ilmahaaga ilmahoodaa leh wuuna naga badan yahay oo waa 686 kun kilo mitir square ah, annagana nasiib darro waxaan nahay 12 milyan oo kaliya!!!  Waddan afar mar waddankeenu ka weynahay sida france ayaa waxaa. Ku nool kuna raaxaysta dad 7 jeer naga badan!!weliba u baahan inuu dad muhaajiriin ah ku biiriyo!!

30 km square ah    (Size ka muqdisho) ma istaahilo waana caaqnimo wax lagu mataalaahi jirin inaad u burburisid mustaqbalka umaddaada oo dhan!

WAXAA QORAY CABDI SALAAD CIBAAR
LONDON UK

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -