Ilhan Cumar oo ku guuleysatay wareeg doorasho cusub oo ka dhacday Maraykanka

Ilhan Cumar ayaa ku guulaysatay wareegga koowaad ee codbixinta isreereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha November ee soo socota.

Waxay ka guuleysatay Antone Melton oo ahaa nin madow ah islamarkana si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay.

Xildhibaanada aqalka Congreska Ilhaan Cumar ayaa heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton oo kaalinta labaad soo galay uu helay 30.9%.

Doorashada Xisbiga Dimuqraadiga oo loo sameynayay qaab Online ah ayaa waxay socotay muddo 9 cisho ah sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Waxaa sidoo kale tartankan is-reereebka xisbiga Dimuqraadiga ku jirtay Leylo Shukri Adan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo si weyn ugu kacsan Ilhan Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -