Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino laga helayo

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow oo galabnimadan ah ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo aan la ogeyn nooca uu ahaa ayaa ka dhacay xero ay ku noo yihiin dad barakacayaal ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxu ka dhacay goob ay ka socotay damaashaadka la xiriira ciida oo ay sameynayeen barakacayaasha xerada ku nool qaarkood.

Saraakiisha amaanka Baydhabo ayaa sheegay inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxan oo illaa hadda aaney cadeyn cida lala beegsanayey iyo sida uu u dhacay.

Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo  ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, anagoo wixii ku soo kordha idinkugu soo gudbin doona wararkeena soo socda insha ALLAAH.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -