Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalkii Gaalkacyo ku dhax maray Ciidamada Danab iyo Maleeshiyaad..

Waxaa duhurnimadii maanta dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dhax maray ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo maleeshiyaad u abaabulnaa qaab beeleed.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyo beeleed hubeesan weerar ku qaadeen xero ciidamada Danab ku lahaayeen koonfurta magaalada Gaalkacyo iyaga oo doonayay in ay xoog kula baxaan nin Al Shabaab lala xiriiriyay oo ciidamada Danab soo xireen.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka oo socday saacad ka badan ayaa khasaaro badan oo dhimasho waxa uu kasoo gaaray maleeshiyada weerarka qaaday, waxaa sidoo kale dagaalka khasaaro uu kasoo gaaray ciidamada Danab ee la weeraray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka ku dhinteen dad ku dhaw 10-qof oo u badnaa maleeshiyadii weerarka ku qaaday xerada ciidamada Danab, waxaa sidoo kale dagaalka ka dhashay dhaawacyo kala duwan.

Ciidamada milatariga gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa la sheegay in ay u gurmadeen ciidamada Danab ee magaalada Gaalkacyo lagu weeraray , waxaana magaalada banaankeeda u baxay maleeshiyaadkii weeraray ciidanka Kumaandooska ee Danab.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dagaalka maanta magaalada Gaalkacyo ku dhax maray ciidanka Danab iyo maleeshiyaadka doonayay in ay xoog ku baxsadaan nin Al Shabaabnimo loo xiray.

Ā 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -