Daawo Sawirada Sida maanta looga ciiday magaalada Jilib ay maamulaan Al Shabaab

Waxaa maanta si weyn looga ciiday inta badan gobolada Soomaaliya, waxaana salaada ciida lagu dukaday goobo fagaarayaal iyo masaajida waa weyn  oo ay isugu soo baxeen muslimiin badan.

Goobaha sida weyn maanta looga ciiday waxaa kamid ah magaalooyinka iyo deegaanada ay maamulaan Al Shabaab , waxaana fagaarayaal waa weyn salaada ciida ku dukaday dadweyne aad u badan.

Magaalada Jilib oo kamid ah magaalooyinka Al Shabaab maamulaan ayaa maanta si weyn looga ciiday , waxaana magaaladaasi isugu soo baxay boqolaal dad ah oo ku faraxsanaa munaasabada ciida .

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -