Dowlada Somalia oo War ka soo saartay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday nawaaxiga magaalada Kuunyo Barrow ee Soomaaliya.

Duqeyntaa ayaa lagu dilay 2 (labo) ka tirsan shabakadda argagaxisada Alshabaab.

Duqeyntan ayaa ka marakacaysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga uga go’antahay sii wadidda dagaalka looga takhalusayo argagaxisada quudata dhiigga muwaadiniinteeda.

Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaadha dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan. Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -