Deni: “Puntland waxaa ku socda dagaal ujeedooyin kala gedisan laga leeyahay”

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda, isagoo ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo Gaalkacayo lagu dilay ka dib qarax lala beegsaday.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in falkaasi argagixiso uusan niyadjab iyo baaqasho ku keenayn shaqada socota, howlgalada amni ee argagixisada lagusoo afjarayona ay sii socon doonaan inta laga sifeynayo dalka sida uu yiri.

Deni ayaa sheegay in cadaaladda la marinayo dadkii ka danbeeyay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal, iyo sidoo kale dadka lagu helo baaritaanada socda ee dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dhammaan xubnaha ka danbeeyay weerarada noocan oo kale ah in cadaaladda la horgeyn doono la xukumi doono, ciqaabtoodana lagu fulin doono fagaare Bulshada horteeda.

“Dowladda Puntland waxay dagaal kula jirta argagixisada ah cadowga Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland waxay howlgalo amniga lagu sugayo ka wadaan magaalooyinka waa weyn, waxay fashiliyeen weeraro la maleegayey iyagoo qabqabtay unugyada argagixisada ee magaalooyinka” ayuu yiri Deni oo intaas ku daray in Puntland uu ku socdo dagaal hadafyo iyo ujeedooyin kala duwan laga leeyahay, loona baahan yahay in shacabka iyo maamulkooda oo isku duuban ay ka hortagaan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo Ciidamadeeda aysan illaa iyo hadda jirin cid gacan ka siisay la dagaalanka argagixisada iyadoo ay wadamo iyo hayáddaha taageera Soomaaliya ay sheegaan in ay Soomaaliya ka taageeraan Amniga. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in aysan jirin wax taageero Ciidan ah oo ay Puntland hesho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -