Maamul Gobolbeed oo si ay dadku u farxaan maalmahan owgeed u fasaxay Isticmaalka Jaadka !!

Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in la qafiifiyay xayiraadihii looga hortagayay faafitaanka cudurka Caronavirus si ay dadku uga faa’iideestaan maalmaha ugu dambeeya  ee bisha Ramadaan uguna diyaar garoobaan Ciida.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Puntland Dr Faarax Jaamac Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in la qafifiifiyay xayiraadihii maamulka soo saaray ee looga hortagayay faafida Caronavirus.

Waxa uu sheegay Wasiirka in la fasaxau isku socodka gobolada Puntland iyo gobolada kale ee dariska la ah, sidoo kale la fasaxay in jaadka la keeni karo lana isticmaali karo maalmaha ka haray bisha ramadaan si dadku u farxaan uguna diyaar garoobaan Ciida.

”Sidaad la socotaan waxaan ku jirnaa 10-kii dambe ee bisha ramadaan , waa xiligii ay dadku u baahnaayeen in ay farxaan wax iibsadaan suuqa tagaan,sidaa daraadeed waxa ay xukuumada go’aansatay in la qafiifiyo awaamiirtii horey loo soo saaray, sida in qaadka la fasaxo lana iibiyo, waxaana reeban in qaadka lagu iibiyo xarumaha dowlada hortooda, waxaana go’aan dambe laga gaari doonaa marka ciida dhamaato, waxaana rajeenayaa in dadka Puntland 10-kan dambe ka faa’iideestaan kheyrna ku gaaraan ciida” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Puntland ayaana noqonaya maamulkii labaad ee fasaxa isticmaalka Jaadka oo horey Carona owgiis loo manuucay xili lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee ramadaan sidoo kale soo dhawdahay Ciida, Somaliland ayaana horey sidaan oo kale jaadka u fasaxday.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -