Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ku soo kordhay maanta kiisaska cudurka COVID-19 ee dalka Somalia?

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Hoggaanka xisbiyada Waddani iyo Kulmiye

Cabdi Cade

Senatarkii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Aqalka sare oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Xildhibaan Ibraahim Deyfullaah oo galabta la dilay iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---