Madaxweyne Deni oo si kulul uga hadlay qaraxii lagu dilay Marxuum Axmed Muuse Nuur

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay magaca Dowlad-goboleedka  iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyadeeyey geerida ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu tiiraanyada geeridaasi la qaybsanayo shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul u cambaareeyey falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxaana uu Alle uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi in Alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantayna inuu u boogadhayo.

Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.

Mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacayo ayaa  xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay guddoomiyihi Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, walaalkiis iyo laba ka tirsan ilaaladiisa

Qof rayid ah iyo qofkii ismiidaamiyey ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa. Afar qof oo uu ku jiro darawalkii gudoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -