Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Sawirro) Askari ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Axmed Madoobe oo xukun dil ah lagu fuliyey

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada maamulkaas, kaasoo xalay magaalada ku dilay askari kale oo isna ka mid ahaa Ilaalada Madaxtooyada.

Maxamed C/naasir oo ahaa askariga dilka geystay ayey maxkamadu u fariisatay dacwadiisa xili 24 saac aysan ka wareegin falka uu askariga kale ku dilay.

Waxaa Maxkamada la horkeenay markhaatiyaal ku marag furay gacan ku dhiiglaha, kuwaasoo sheegay inuu askarigan uu si bareer ah u dilay askariga kale.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu muran dhexmaray askariga uu dilay, waxaana isla galabta lagu fuliyey xukun dil qisaas ah oo ka dhacay fagaare ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw si rasmi ah u furay Shirka Amniga Qaranka

Cabdi Cade

Maxaa ku soo kordhay kursigii Xildhibaanimo ee uu rabay Fahad Yaasiin waana sidee Rajadiisa ?!!

admin

Madaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran iyo Madax kala duwan oo dalkaasi…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---