Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ha’yadda WHO oo digniin culus ka bixisay halis ku soo wajahan qaarada Afrika

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka Cilmi baaraayaal ka tirsan ayaa sheegay in 250 malyan qof oo ku nool Afrika in sannad gudahood uu ku dhici karo cudurka COVID-19.

Corona ayaa si xowli ah ugu baahay gudaha qaaradda, haatan wuxuu gudaha u galay xero ay ku nool yihiin dadka barakacayaal ah gudaha Suudaanta Koonfureed.

Daraasadda ay sameeyeen oo lagu daabacay BMJ Global Health, ayaa lagu sheegay in dad gaarayo 150,000 ilaa 190,000 oo qof uu cudurka ku dili karo gudaha qaaradda Afrika.

Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale sheegeen 5.5 malyan oo ku nool qaaradda ay u baahan yihiin adeeg caafimaadka maadama xarumaha caafimaadka ee ka jira halkaas ay la daala dhacayaan daweynta bukaanada uu ku dhacay Malaariyada iyo cudurka qaaxada.

WHO  ayaa sidoo kale ka digtay in cudurkan uusan si dhaqsi ah uga dhamaan doonin Caalamka, ayna u badan tahay inuu muddo dheer sii jiro, waxayna ku baaqday in loo baahan yahay qorshe adag oo lagula tacaalo haddii uu daba dheeraado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladda Jabuuti oo si adag uga jawaabtay Eedeyn culus oo uga timid Madaxweyne Biixi

Cabdi Cade

In ka badan 80 dal oo Soomaaliya ku jirto oo yeeshay shir ka dhan ah ISIS (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad loo xirxiray cunsurinimadii loola dhaqmay qaar ka mid ah ciyaartoyda Britain

Caydiid Ali
Taboola Ads ---