Dad loo xirxiray cunsurinimadii loola dhaqmay qaar ka mid ah ciyaartoyda Britain

Afar qof ayey ciidamada amaanka ee Britain xabsiga u taxaabeen, kaddib markii qaar ka mid ah cayaaryahanada Xulka Qaranka ee kubadda cagta England loola dhaqmay qaab cunsurinimo ah, farriimo takoor ahna loo marsiiyay baraha bulshada.

Marcus Rashford, Bukayo Saka iyo Jadon Sancho oo dhamaantood ah cayaaryahanno madow ah ayaa cunsuriyad la kulmay ka gadaal markii ay khasaariyeen gool ku laadyo ama rigoorayaal uu Talyaaniga uga guuleystay dhawaan xulka England cayaartii kama-dambeysta aheyd ee tartankii Qramada Yurub.

“Waxaan aqbalayaa dhaleeceynta la ii jeediyay gaar ahaan sida aan ciyaarta uga soo muuqday, rigoorihii in aan dhaliyo ayay aheyd balse ma dhicin, marnaba raaligelin kama bixinayo midabka aan ahay iyo halka aan kasoo jeedo” ayuu yiri Rashford.

Tababaraha xulka Ingiriiska Gareth Southgate ayaa dhankiisa sheegay midabtakoorka lagula kacay ciyaartooyda ay tahay arrin aanan la aqbali karin halka Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ay cambaareeyeen falalka la kula kacay ciyaartooydaas.

Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda ayna soo xirxiri doonaan dadka lagu helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -