Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoorqoor & Wakiilada beesha caalamka?

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shir khadka internetka ah la qaatay danjirayaasha beesha caalamka oo ay ka mid yihiin wakiilada UN-ka, US, UK, AU, IGAD, EU, Ethiopia, Germany, Italy iyo Sweden.

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ayaa ka wadahadlay dhowr arrimood oo ay ka mid ahaayeen ka hortagga iyo la tacaalidda covid19, xaaladaha amniga Galmudug, siyaasadda loo dhanyahay iyo arrimo kale.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin iyo Taliyaal Ciidan uu ku jiro Odawaa oo gaaray Deegaanka Daaru Naciim (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiye Cali Jeyte oo soo gaaray Muqdisho kana hadlay Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Villa Somalia ”Waddada looga baxayo Shiidka waxa ay aadaa Jilib”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---