Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Waare: “Lacag dhan $1,142,000 ayaa maanta naga soo gaartay dowlada Somalia”

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Waare ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkiisa, waxayna Baladweyne u tageen sidii qeyb kaga noqon lahaayeen dadaalada looga hortagayo Fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa balan qaaday in la kordhin doono dadaalada looga gaashaamanayo Fatahaad uu sameeyo Wabiga.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay inay dowladda Federaalka maanta soo gaarsiisay lacagtii ay sanadkii hore ugu yaboohday wax ka qabashada fatahaadda magaalada Beledweyne iyo deeqdii ka timid Jabuuti taasoo gaareysa isugeyn (Hal Milyan boqol afartan iyo labo kun oo dollar)

Madaxweyne Waare ayaa intaas ku daray in maanta ay soo gaartay lacagtaas oo saddex qeybood ka kooban taasoo fatahaadda Beledweyne loogu talogalay kuwaasoo kala ah:-

1-$600,000 Dawladda Jabuuti.
2-$500,000 Dawladda Federalka Somalia
3-$42,000 Guddiga Gargaarka Heer Qaran oo loogu talogalay fatahaadda.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jabuuti oo suurageliyey in deeqdan ay soo gaarto

Arrintan ayaa ka danbeysay markii Guddiga Gurmadka Magaalada Beledweyne ay shaaciyeen inaysan soo gaarin lacagtii dowladda Soomaaliya ballan qaaday iyo deeqdii Jabuuti, taasoo dhalisay fadeexad dowladda Soomaaliya lugaha la gashay, waxaana muuqata in qeylo dhaantaasi ay keentay inay lacagtan oo xayirneyd 7 bilood ugu danbeyn ay bixiso dowladda Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadamada Islaamka oo ku baaqay in la dhiso Ciidamo Difaaca Falastiin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Bilyaneer Caan ah oo Sadex kamid ah caruurtiisa ku waayay qaraxyadii ruxay Sri Lanka

Cabdi Cade

Qorshaha istiraatiijiyadda ee Hay’adda Socdaalka ee 5ta sanno soo socota oo la Daah-furay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---