Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo weeraray goob ay shir ku lahaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Kumandoska Somalia ee Maraykanku tababaray ayaa sheegay iney weerareen degaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka qaadayeen uu degaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerarka qaadeen markii ay xogtaas heleen.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandoska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in ciidanka ay cagta mariyeen goobtii uu shirku uga socday Al-shabaab ayna gaarsiiyeen khasaare culus.

G/lle Maalin ayaa xusay iney dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu kasoo jeedo dalka Maali, laguna magacaabo (Abuu Ayman)

Sidookale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada horjooge ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyadooda, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen dagaalyahano fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa.

Ma jiraan illaa hadda warar madax banaan oo ka waramaya qaabka uu howlgalka u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, Al-shabaabna wax war ah weli kama soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Allbanaadir Online oo umadda Soomaaliyed u diray hambalyada bisha Ramadaan

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo masuuliyiin & shacab kula ciiday Madaxtoyada Kismaayo

Caydiid Ali

Rag badan oo ka naxay Cilmi baaris lagu sameeyey kaniiniga Paracetamol

Caydiid Ali
Taboola Ads ---