Ciidanka NISA oo deg. Xamar-weyne ka fuliyey howlgal lagu qabtay ganacsade caan ah

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgal culus oo xalay saqdii dhexe ciidamada nabad Sugida ee sida gaarka ah u tababaran ay ka fuliyeen guri ku yaalla degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo watay gaadiid dagaal iyo qoryaha laserka ee habeenkii wax lagu arko, wejiyadana soo qarsaday ayaa la sheegay iney hareereeyeen guri ku yaalla degmada Xamar-weyne agagaarka xaafada Aw-Aweyska halkaasoo ay kala baxeen ganacsade caan ka ah degmadaas.

Ninka ay la baxeen ciidamada oo magaciisa lagu soo gaabiyey Maxamed Jakii ayaa la sheegay inuu wakiil ka ahaa laanta Xawaalada Bakaal ee degmada Xamar-weyne, isagoo sidoo kale lahaa dukaan lagu iibiyo biraha baabuurta.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninka la xiray uu markii hore ka cararay ciidamada uuna isku dayey inuu baxsado balse ugu dambeyn lagu dhigay gacanta iyadoo aaney goobta ka dhicin wax iska horimaad ah.

“Markii ay qabteen ciidamada si xun ayey u garaaceen, waxayna ku tuureen gaadiidka tiknikada ah ee ay wateen” ayuu yiri goob jooge ka ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsaday.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu socday howlgankan ay sidoo kale ciidamadu baaritaan xoog leh ku sameeyeen hoygiisa, ayna sawiro ka qaateen, mana cadda iney gurigiisa hub ka heleen iyo in kale.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Xamar-weyne ayaa sheegaya iney jiraan dhalinyaro kale oo isla xalay lagala baxay guryahooda oo ku yaalla degmadaas, kuwaaso aan la ogeyn halka la geeyey iyo sababta rasmiga ah ee loo xiray.

Lama oga sababta loo xiray ninkan, taliska ciidanka Nabad Sugida hase ahaatee wararka qaarkood ayaa sheegaya ninkan uu soo galay raad ah inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, ayna soo farmuuqeen rag u xiran ciidanka NISA oo ka tirsan kooxdan.

Xariga ganacsadahan magaciisa lagu sheegay Maxamed Jakii ayaa si weyn looga hadal hayaa degmada Xamar-weyne, iyadoo horey degmadaas loogu dilay labo ka mid ah gudoomiye waaxeedyada degmadaas iyo dad kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -