Barakac mar kale ka bilowday Belad-weyne & Webiga Shabelle oo ku fatahay

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in saaka magaaladaasi ay ka barakaceen dad fara badan, ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada.

Qoysas badan oo ku noolaa Baladweyne ayaa saakay ka barakacaya halkaasi, iyagoo u ambabaxaya dhinca degaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada, waxaana jirta cabdi xooggan oo laga qabo in guud ahaan Biyahu ay gaaraan Magaalada.

Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene, Ganacsato iyo dadweyne kale  oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carro tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu xakameynaayo .

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku howlan dadaalo iyo qorshayaal looga hortagaayo qatarta wabiga shabeelle ee Magaalada baladweyne,ka dib markii halkaasi la geeyay qalab loogu talagalay in carro tuur loogu sameeyo wabiga.

Agabkan ayaa ah mid loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana agabka la wareegay maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay Wasiirka Boostada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada wabiga Shabeele ay ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta dowladdu ay Beladweyne gaarsiisay agab biyaha looga hortegayo.

Cabdi cashuur ayaa sidoo kale sheegay in sagaal diyuuradood oo kale oo qalabkan ay ku raran yihiin la geynayo magaalada baladweyne si looga hortago fatahaadda laga cabsi qabo inay mar kale dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -