Gudoomiye Cabdiwali Colaad Gaatamow oo caawa lagu dilay degmada Afgooye

Waxaa goor dhow lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose Macalin Cabdiwali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka tirsanaa bahda cayaaraha Dalka.

Gaatamow ayaa la sheegay inuu tababare u ahaa Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar (Mogadishu City Club).

Sidoo kale, Gaatamow Wuxuu soo noqdey Goolhayigii Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Banaadir Telecom, isagoo hadda ku magacownaa guddoomiyaha Isboortig degmada Afgooye

Wararka ayaa sheegaya in dilkiisa ay geysteen rag bastoolado ku hubeysan oo rasaas ku furay, wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaadaha cishaha iyo taraawiixda.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay Macalin Gaatamow iyo cida rasmiga ah ee dilkiisa ka dambeysay, waxaana caawa degmada Afgooye si weyn looga hadal hayaa dilka Macalinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -