Haweeney la doonayay in lagu dhax iibiyo barta Facebook oo la bad baadiyay

Haweeney u dhalatay dalka Nageria oo kunool dalka Lubnaan ayaa nolosheeda la bad baadiyay kadib markii nin gacanta ku hayay haweeneydaasi uu ku beeciyay barta Facebooka.

Ciidamada booliiska dalka Lubnaan ayaa xabsiga dhigay nin doonayay in haweeneydan ku iibiyo lacag gaareysa kun dollar, waxa uuna xayeesiinta iibka haweeneydan soo dhigay barta Facebooka.

Madaxa guddiga qurba joogta Nigeria Abike Dabiri-Erewa, ayaa sheegay in booliiska gacanta ku hayaan haweeneyda 30-sao jirka ah ee la doonayay in la iibiyo, waxa uuna tilmaamay xaalada haweeneydaasi in hada wanaagsan tahay.

Xayeesiinta haweeneydan la iib geeyay ayaa hadal heyn badan iyo caro ka abuurtay baraha bulshada, waxaana falkan aad uga carooday dad u badan Afrikan oo falkaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -