Maamul Goboleed diiday ka qeyb galka Tartanka Ciyaaraha ee ka furmaya Muqdisho

Tartanka Ciyaaraha kubada cagta ee Maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ee lagu wado in 20-ka bishan ka furmo Garoonka Kubada Cagta ee Eng Yariisow ayaa ka qeyb galkiisa waxaa ka biyo diiday ciyaartoyda matalaya Hirshabelle.

Qoraalka kasoo baxay Maamulka Ciyaaraha ee Hirshabelle ayaa lagu sheegay in ay go’aansadeeen in ay isaga haraan ka qeyb galka tartanka, kadib markii balamo looga baxay ayna waayeen goobo la dejiyo ciyaartoyda iyo wafdiga la socda.

Warkan kasoo baxay Maamulka Ciyaaraha Hirshabelle lana ogeesiiyay Madaxweynaha maamulkaasi iyo Wasaarada Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa Hirshabelle sheegtay in cadaalad daro iyo kala eexasho lagu sameeyay ciyaartoyda maamulada ka socda.

Wasaarada Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ayaan wali ka hadlin cabashadan kasoo yeertay Ciyaartoyda Hirshabelle, lamana oga in go’aankan Hirshabelle ku adkeesan doonto ama la xalin doono cabashadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -