Cabsi xooggan oo ka taagan Magaalada Beladweyne & digniino la soo saaray

Iyadoo la guda galay xili roobaadkii Gu’ga ee sanadkan oo meelo badan ka socda ayaa waxaa shacabka magaalada Belad-weyne la soo deristay cabsi iyo walaac ay ka qabaan inuu fatahaad la mid ah tii sanadkii hore sameeyo webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara.

Biyaha webiga ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Maamulka gobolka Hiiraan uu maanta  bilaabay caro tuur lagu sameynayo hareeraha Wabiga iyo goobaha ay Biyuhu ka soo baxaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kormeeray goobaha qaar ee Wabiga, isagoo digniin ku bixiyey in biyo farabadan ay ku soo wahahan yihiin Magaalada Beled weyne, loona baahan yahay in laga gaashaanto fatahaado iman kara.

Sanad walba ayaa wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan waxaa uu sameeyaa fahataado sababa inay dad badan barakacaan.

Sanadkii hore ayey aheyd markii webiga shabelle uu fatahaad weyn ka sameeyey magaalada Belad-weyne iyo degaano kale, waxaana ku barakacay kumanaan qoys, halka dad badana ay ku dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -