War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Baarlamaanada DF & afar dowlad goboleed (Sawirro)

Shirka Baarlamaanada dowlada Federaalka iyo afar Maamul goboleed oo ka dhacay Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa la soo gebagebeeyey, iyadoo War-murtiyeed ka kooban 17 qodob laga soo saaray

Qodobadda kasoo baxay shirka waxaa ka mida in kulan wadajir ah lala yeesho deeq-biyaasha taageera Baarlamaannada iyo dowlad goboleedya, iyadoo loogu baaqay inay kordhiyaan dhaqaalaha ay soo mariyaan hay’adaha caalamiga ah ee kaalmeeya golayaashan.

Sidoo kale, golayaasha Baarlamaanada waxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ugu baaqeen in ay derder geliyaan dhammaystirka arrimaha ka dhiman Federaaleynta dalka.

War-murtiyeedka shirka ayaa dhanka kale walaac loogu muujiyay, habacsanaan iyo khilaaf ay sheegeen inay ku timid labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo shirku isku raacay in la xalliyo khilaafka u dhexeeya labada gole.

Gunaanadka war-murtiyeedka ayaa looga dhawaaqay in gebi ahaanba Dastuurka dalka ee dib u-habeyntu ku socoto laga saaro kalmadda “Sharci-dejin” ee loo adeegsado Baarlamanka, iyadoo la go’aamiyay in kalmadda loo beddelo “Xeer-dejin”.

Shirka Afhayeennada golayaasha xeer-dejinta heer Federaal iyo dowlad goboleed ee Garoowe ka qabsoomay, ayaa waxaan lagu casumin Baarlamanka Galmudug khilaafka ka taagan maamulkaas awgeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -