Madaxweyne Afrikan ah oo hal sabab darteed u diiday in dalkiisa kusoo rogo bandow !!

Inta badan wadamada Caalamka ayaa lagu soo rogay bandow si looga hortago faafitaanka cudurka caronavirus, waxaana bandowgaasi wadamada qaar kasoo gaaray khasaaro badan oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Madaxweynaha Tanzaniya John Magufuli ayaa dhagaha ka fureestay talooyin loo soo jeediyay oo ku aadanaa in bandow kusoo rogo dalka gaar ahaan magaalada Daara Salaam ee caasimada Tanzaaniya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Magufuli in bandow magaalooyinka waa weyn lagu soo rogo aysan yareeneyn caabuqa Caronavirus balse ay ka dhalanayaan sida uu tilmaamay dhibaato dhaqaale.

Madaxweynaha dalka Tanzaaniya ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin kale oo looga hortegayo cudurka balse aysan soo rogi doonin bandow la saaro wadanka uu sheegay in dhibaato badan ka dhalan karto.

Wadamada caalamka ee bandowga kusoo rogay dadkooda ayaa ka cabanaya dhibaato badan gaar ahaan dhaqaalaha, waxaana cudurka Caronavirus dunida ka abuuray dhibaato badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo isku socodka oo gabi ahaan hakad galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -