Xildhibaano Mucaarad ah iyo Siyaasiyiin caan ah oo kamid noqonaya Wasiirada Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada , waxaana la filayaa in Wasiirada kasoo muuqdaan Xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah.

Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa ka socda wadatashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabista golaha Wasiirada cusub ee Galmudug, waxaana wasiirada cusub Galmudug ka duwanaan doonaan wasiiradii hore.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa golihiisa cusub ee Wasiirada la filayaa in uu kusoo daro Siyaasiyiin iyo Xildhibaano caan ah oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa mucaaradka ku ah dowlada .

Xubnaha sida weyn loo saadaalinayo in ay kamid noqdaan golaha Wasiirada Galmudug waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabayo Wasiirka Amniga Gamudug, iyo Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye oo isna Wasiirada kamid noqonaya.

Waxaa sidoo kale la hadal hayaa in Golaha Wasiirada Galmudug kamid noqon doonaan Siyaasiyiin horey Wasiiro uga soo noqday Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlada.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa hadii golihiisa Wasiirada kusoo daro xubnaha la hadal hayo waxa ay noqon doonto guul siyaasadeed uu maamulkiisa gaaray , mana dhici jirin horey in Wasiirada maamul goboleedyada kamid noqdaan Xildhibaano federaalka iyo Siyaasiyiin waa weyn.

Dad badan ayaa isha ku haya Liiska goaha cusub ee Wasiirada Galmudug oo la filayo in saacadaha soo aadan looga dhawaaqo magaalada Dhuusomareeb, waxaana dadku si gaar ah isha ugu hayaan xubnaha saameynta leh ee kamid noqon doona Wasiirada Galmudug.

Lama oga waxa ay ka bedeli doonto hab dhaqanka Siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa dowlada federaalka Soomaaliya hadii ay iska casilaan Xildhibaanimo kana mid noqdaan Wasiirada mamaulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -