Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa dalka Jabuuti ku geeriyooday Xildhibaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateye oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa isbitaal kuyaala dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh  ayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caatey.

“Innaa lillaah Wa Innaa Illeehi Raajicuun, Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti, waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi Jabuuti Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo, Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaankan ku geeriyooday dalka Jabuuti ayaa noqonaya Xildhibaankii labaad oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo bishan gudaheeda geeriyooday, waxaana maalmo kahor Isbitaal kuyaala Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan kale oo Baarlamanaka katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay geerida ciyaaryahan katirsanaa Xulka Galmudug

Cabdi Cade

Taliyihii Ciidamada Danab oo Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sabab layaab leh oo keentay!!

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda oo saakay la wareegay Deegaanno Al Shabaab heesteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---