Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo sheegtay in Wariye Abuuja loo heesto Dil iyo in uu katirsan yahay Al Shabaab

War saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Wasaarada warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo u xiran laamaha amaanka loo heesto in uu katirsan yahay Al Shabaab.

Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegtay in Wariye Abuuja loo heesto in uu katirsan yahay Ururka Al Shabaab, waxa ay sidoo kale wasaarada sheegtay in Wariyaha loo heesto in uu ku lug lahaa dil ka dhcay degmada Boondheere horaantii sanadkii hore.

Warkan kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in gal dacwadeedka wariyahan lagu eedeeyay in uu Al Shabaab katirsan yahay loo gudbinayo hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh.

Wariye Abuuja ayaa ku xiran xabsi ay maamusho Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya, waxaana warkan kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta kusoo aadaya xili dhawaan Wariyaasha Muqdisho dalbadeen in wariyahan xuriyadiisa la siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Garoowe & wefdi uu horkacayo oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Nederlands (Sawirro)

admin

Mowqifka Midaysan ee Puntland iyo Jubaland iyo Warka Cusub ee soo saartay Qaramada Midoobay!!

admin

Maxay tahay taageerada Dowlada Somalia weydiisatay Imaaraadka Carabta?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---