(Sawirro) Maxkamad xukun jilicsan ku riday nin xaaskiisa madaxa ka gooyey

Maxkamad ku taalla dalka Iran ayaa sheegay nin xaaskiisa madaxa ka gooyey oo ay da’diisu tahay 17 jir in lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah.

Sajjad Xeydari oo dilay xaaskiisa Muna  Ahvaz ayaa dhacay sanadki hore ka dib markii uu toorey madaxa kaga jaray, caro baahsan ayaa ka dhalatay.

Afhayeen u hadlay garsoorka Iran ayaa sheegay in xukunka la dabciyo iney ka dhalatay waaliddiinta Muna oo cafis u fidiyey wiilka gabadhooda dilay halkii ay dalban lahaayeen in Sajjad loo ciqaabo.

Muna ayaa ahayd gabar la qabay oo lagu guursaday 12 jir ilmihi ugu horreysayna ku dhashay marka ay 14 jir ahayd.

Warbaahinta maxalliga waxay sheegeen Muna iney dalka Turkiga u carartay kaddib marki ay u adkeysan weyday xadgudubyada uu ninkeeda u geysanayay furriinna ay dalbatay.

Iran ayey ku soo laabatay Bishii Febraayo ee sanadki hore kaddib marki iay reerkeeda siiyeen dammaanad buuxda, hase yeeshee damaanadaas kama aysan badbaadinin inuu ninkeeda markii dambe dilo.

Sharciga ayaa dhigayo in qofkii qof dilo in isna la dilo balse haddii ay qoyska qofka laga dilay cafiyaan xukunka la khafiifinayo.

- Advertisement -